Khayre oo MW Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ciidanka u adeegsaday dano siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si kulul uga hadlay khasaaraha la sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ka soo gaaray weerarkii ka dhacay deegaanka Jameeco ee degmada Buurhakaba, isaga oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ciidanka dhexgeliyay khilaafaadka siyaasadeed.

Khayre ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad uga tiiraanyeysan yahay khasaaraha sii kordhaya ee laga soo sheegayo ciidamada dowladda, isaga oo tacsi u diray qoysaska iyo ehellada askartii ku geeriyootay weerarka, sidoo kalena caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhaawacyada.

Wuxuu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin halyeeyo qaran oo loo carbiyay difaaca dalka, ilaalinta dastuurka iyo la dagaallanka maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Hase yeeshee, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ciidamada u adeegsaday khilaafaadka siyaasadeed iyo fulinta dano gaar ah, taas oo uu sheegay inay maleeshiyaadka Al-Shabaab u abuurtay fursado ay kaga faa’iideystaan xaaladda jirta.

“Dhiigga ciidanka ee qaaliga ah ma mudna in loo daadiyo loollan siyaasadeed iyo fulinta damac gurracan iyo dano siyaasadeed oo lagu boobayo xukunka dalka,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa sidoo kale sheegay in nafhurnimada ciidamada Soomaaliyeed ay tahay masuuliyad qaran oo ay tahay in laga ilaaliyo loollanka siyaasadeed, isaga oo ku baaqay in awoodda iyo cududda ciidanka loo jiheeyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo difaaca dalka.

Ugu dambeyn, wuxuu waxgaradka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii Ciidanka Xoogga Dalka looga fogeyn lahaa khilaafaadka siyaasadeed, isaga oo ku tilmaamay khasaaraha ka dhacay deegaanka Jameeco mid ay tahay inuu horseedo baraarug qaran.

Eedeymaha Xasan Cali Khayre ayaa imanaya xilli xaaladda amni ee gobolka Baay iyo dagaallada ka socda deegaanno ka tirsan degmada Buurhakaba ay dhaliyeen hadal-hayn siyaasadeed oo xooggan.

WARARKII KALE

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

AFRICOM oo beenisay in duqeymaha Soomaaliya loo adeegsanayo barakicinta rayidka iyo fatahaadaha

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa beeniyay eedeymo...

 Wararkii ugu dambeeyay oo ku saabsan doorashada Israa’iil

Doorashadii Talaadadii ka dhacday Israa’iil, oo ay ka qaybqaateen...

Xuutiyiinta oo bartilmaameedsaday xarumo ku yaala Sacuudiga ah

Kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee dalka Yemen ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles