Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka ee deegaannada Jameeco iyo Leego, gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dagaallo kula galeen Khawaarijta Al-Shabaab.

Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa halkaasi kula kulmay taliyeyaasha ciidamada, iyaga oo ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalladii ugu dambeeyay, guulaha laga gaaray hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaaladda guud ee amniga deegaannada ay ciidamada ka wadaan hawlgallada.

Mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyey geesinimada, naf-hurnimada iyo dadaalka ay muujinayaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo u taagan ciribtirka Khawaarijta, xoreynta deegaannada iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, waxay ciidamada ku dhiirrigeliyeen inay sii laba-jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo caddeeyey garab-istaagga iyo taageerada ay u hayaan geesiyaasha ku jira safka hore ee dagaalka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa gaashaanka dalka iyo difaaca shacabka, guushooduna waa tallaabo muhiim u ah xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

WARARKII KALE

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

Khayre oo MW Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ciidanka u adeegsaday dano siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

AFRICOM oo beenisay in duqeymaha Soomaaliya loo adeegsanayo barakicinta rayidka iyo fatahaadaha

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa beeniyay eedeymo...

 Wararkii ugu dambeeyay oo ku saabsan doorashada Israa’iil

Doorashadii Talaadadii ka dhacday Israa’iil, oo ay ka qaybqaateen...

Xuutiyiinta oo bartilmaameedsaday xarumo ku yaala Sacuudiga ah

Kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee dalka Yemen ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles