Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ku qaadeen magaalada Moscow, xilli ay magaaladaasi martigelinayso in ka badan 20 hoggaamiye oo Afrikaan ah oo ka qaybgalaya shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika.
Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa waqtiga ay weerarradu dhaceen ku tilmaamay mid “aad loola yaabo”.
Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin, ayaa sheegay in in ka badan 600 oo diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Ukraine ay habeenkii bartilmaameedsadeen gobolka Moscow, kuwaas oo intooda badan la soo riday.
Ukraine ayaa kordhisay weerarrada ay ka fulinayso gudaha Ruushka, iyadoo isku dayaysa inay wiiqdo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada dalka, isla markaana ay muwaadiniinta caadiga ah ee Ruushka dareensiso saameynta dagaalka.
Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan
NAGU SOO BIIR


