DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo hoggaaminaysay ciidamadii ku dagaallamay deegaanka Jameeco ee gobolka Baay, kaddib markii la sheegay in baaritaan lagu sameynayo sababihii keenay khasaaraha iyo dib-u-dhaca ku yimid difaacyadii ciidanka.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xabsiga loo dhaadhiciyay Gaashaanle Xasan Kaafi, oo ah Abaanduulaha Guutada 17-aad ee Qaybta 1-aad ee Ciidanka Gorgor, kaas oo ay weheliyaan Gaashaanle Aadan Baaruud oo horay loo sheegay in la xiray.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in saraakiishaan lagu daray taliye urur oo ka tirsan Guutada 17-aad ee Ciidanka Gorgor, kaas oo isna la xiray, iyadoo dhammaan saraakiishaan loo haysto eedeymo la xiriira sida ay u maareeyeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Jameeco.

Xogaha laga helayo arrintan ayaa tilmaamaya in saraakiisha loo haysto dayacaad la sheegay inay ka dhacday goobihii difaaca ee ciidanka, taas oo maleeshiyaadka Al-Shabaab u suuragelisay inay fursad ka helaan fariisimihii ay ciidamada dowladda ku sugnaayeen ama agagaarkooda.

Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu daray gaadiid ciidan oo la sheegay inay gacanta u galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab intii uu dagaalku socday, iyadoo la doonayo in la ogaado duruufihii sababay in gaadiidkaasi laga qabsado ciidanka.

Dhanka kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in xariggan uusan ku jirin saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada gaarka ah iyo cutubyada Ciidanka 12-ka Abriil ee ka qeybgalay dagaalka, kuwaas oo aan lagu darin saraakiisha hadda baaritaanka lagu hayo.

Xarigga saraakiishan ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladda federaalku baaritaanno ku waddo dhacdooyinkii ka dhacay deegaanka Jameeco, kaddib khasaaraha ciidanka dowladda kasoo gaaray dagaalka iyo wararka la xiriira gaadiidkii laga qabsaday.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ama taliska ciidanka oo si faahfaahsan uga hadlaya xarigga saraakiishan iyo eedeymaha loo haysto.

WARARKII KALE

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

Deni oo Garoowe ka wada kulamo ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan xasaasi ah...

Maxaa ka cusub dagaalka ka socda Moyale?

Kumannaan qoys ayaa ka barakacay guryahoodii, ganacsiyo ayaa albaabada...

Markab kalluumeysi oo lagu Afduubtay xeebaha Puntland

Koox Burcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay in ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles