Wafdi ka socda Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa maanta magaalada Kigali loogu soo gabagabeeyay safar waxbarasho oo ay soo qabanqaabisay SOS Rwanda, kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-habaynta daryeelka carruurta kaasoo socday mudo isbuuc ah (26 -30 of October 2026).
Wafdiga Wasaaradda waxaa hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Maryan Ali Abukar, iyadoo ay wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Bashiir Cumar, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda. Waxaa sidoo kale ka qaybgalay kulanka waxbarasho Kuxigeenka Hay’ada SOS Somalia iyo Madaxda SOS Kenya.
Intii uu socday safarku, ka-qaybgalayaashu waxay khibrad ka kororsadeen hay’adaha dowladda Rwanda, maamulka degmooyinka, adeeg-bixiyeyaasha iyo qoysaska daryeela carruurta. Wadahadallada iyo booqashooyinku waxay muujiyeen muhiimadda ay leeyihiin xoojinta qoysaska, ka hortagga kala-tagga carruurta iyo waalidkood, daryeelka ku salaysan qoyska iyo bulshada, iyo isku-xirka adeegyada ilaalinta, waxbarashada iyo taageerada bulshada.
Wasaaraddu waxay casharrada laga bartay u adeegsan doontaa xoojinta Qorshaha Qaranka ee Dib-u-habaynta Daryeelka Carruurta, iyadoo lagu salaynayo duruufaha iyo nidaamka federaalka Soomaaliya


