Mareykanka ayaa xatooyo ku soo eedeeyay labo qof oo Kenya u dhalatay

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ogaatay shabakad weyn oo xatooyo ku sameysay gargaarka ardayda la siiyo. Shabakadda oo lala xiriirinayo muwaadiniin Kenyan ah ayaa la sheegay in ay lunsatay malaayiin doolar oo loogu talagalay in lagu caawiyo ardayda Mareykanka.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Colin McDonald, ayaa sheegay in Waaxda la dagaallanta wax-isdaba-mareynta oo kaashaneysa hay’adaha kale ee dowladda ay booqasho ku tageen Kenya bishii Sebtembar ee sanadkan, waxayna qabteen in ka badan $750,000 oo laga helay akoon Kiribto ah oo uu leeyahay muwaadin Kenyan ah oo la sheegay in uu xiriir la leeyahay shabakadda.

“Tani waa markii ugu horeysay taariikhda in hanti qaali ah oo noocaan ah lagu qabto meel ka baxsan Mareykanka oo ay qabteen Unugga la dagaallama xatooyada” ayuu yiri Colin McDonald.

McDonald wuxuu sheegay in laba qof oo Kenyan ah oo ku kala nool gobollada Nebraska iyo New Jersey ay ka mid yihiin shanta qof ee la tuhunsan yahay kuwaas oo wajahaya dacwado ku saabsan shabakadda khiyaanada sameysay.

Labada qof ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen abuurista akoonno been abuur ah oo lagu codsado gargaarka ardayga iyagoo adeegsanaya macluumaadka aqoonsiga ee laga xaday muwaadiniinta Mareykanka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in khiyaanada lagu ogaaday baaritaan qaran kaas oo lagu helay shabakad la sheegay in ay ku lug lahayd khiyaanada iyadoo adeegsaneysa laga soo bilaabo 2021-dii nidaamka gargaarka maaliyadeed ee ardayda ee dowladda.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caddaaladda, tuhmanayaashu waxay xadeen macluumaadka aqoonsiga muwaadiniinta Mareykanka, waxayna u isticmaaleen in ay furaan akoonno been abuur ah iyagoo ka diiwaangelinaya arday aan jirin ee kulliyado iyo machadyada tacliinta sare.

WARARKII KALE

Wafdi ka socda Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo magaalada Kigali loogu soo gabagabeeyay safar waxbarasho

Wafdi ka socda Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka...

Meydka haweeney laga soo saaray burburka dhismihii ku dumay Islii, Nairobi

Shaqaalaha gurmadka ayaa ku guuleystay inay meydka haweeney ka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Cumar Cabdirashiid oo Farmaajo kala hadlay mideynta aragtida siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,...

QM oo sheegtay in kumanaan qof ay ka barakaceen dagaallada Soomaalida iyo Oromada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 36,000 oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles