Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada 48-aad ee Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) u diyaarisay howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kuwaas oo beddelaya Guutada 45-aad oo dhammaysatay muddadii loo qorsheeyay inay Soomaaliya ka howlgasho.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Ciidanka Difaaca Uganda, ciidamada cusub ayaa dhammaystay tababarkii loogu diyaarinayay howlgalka Soomaaliya, waxaana munaasabadda sagootintooda ka qeybgalay taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Uganda, Sarreeye Guuto Felix Busizoori.

Felix Busizoori oo khudbad u jeediyay ciidamada ayaa kula dardaarmay inay muujiyaan wada-shaqeyn, anshax ciidan iyo xilkasnimo inta ay ku guda jiraan waajibaadka loo igmaday Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale uga digay inay ku kacaan falal dhaawici kara sumcadda ciidanka Uganda, isagoo ku boorriyay inay ilaaliyaan xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay dhowraan shuruucda iyo nidaamka ciidamada.

Taliyaha ayaa bogaadiyay ciidamadii ka horreeyay ee Guutada 45-aad, kuwaas oo muddo ka howlgallayay Soomaaliya, wuxuuna ciidamada cusub kula dardaarmay inay sii ambaqaadaan shaqadii ay qabteen kuwii ka horreeyay.

Dhanka kale, taliska UPDF ayaa xaqiijiyay in Guutada 48-aad, oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Sare Michael Opio Ocuka, ay 10-kii Oktoobar 2026 si rasmi ah ula wareegtay waajibaadkii Guutada 45-aad ee qeybta koowaad ee howlgalka AUSSOM.

Ciidamada Uganda ayaa ka mid ah kuwa ugu badan ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo door muhiim ah ku leh sugidda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

Deni oo Garoowe ka wada kulamo ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan xasaasi ah...

Maxaa ka cusub dagaalka ka socda Moyale?

Kumannaan qoys ayaa ka barakacay guryahoodii, ganacsiyo ayaa albaabada...

Markab kalluumeysi oo lagu Afduubtay xeebaha Puntland

Koox Burcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay in ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles