MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay u safraan magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaas oo ay kaga qaybgalayaan shirweynaha 31-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31). 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad ka jeedin doona shir madaxeedka Antalya oo qayb ka ah shirka COP31, isaga oo soo bandhigi doona qorshayaasha dowladda Soomaaliya ee wax ka qabashada saameynta taban ee isbeddelka cimilada

Qorshayaasha uu madaxweynuhu soo bandhigi doono waxaa ka mid ah horumarinta tamarta cagaaran, ka hortagga nabaad-guurka iyo xoojinta dadaallada lagu dhisayo awoodda dalka ee u adkeysiga saameynta isbeddelka cimilada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo-doceedyo la yeesho madaxda dalalka kala duwan ee shirka ka qaybgalaya, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo dalalkaas.

Shirka COP31 ayaa ah madal caalami ah oo ay madaxda dowladaha iyo wakiillada dalalku kaga arrinsadaan saameynta isbeddelka cimilada iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee wax looga qabanayo.

WARARKII KALE

Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Beesha Caalamka oo dhex-dhexaadinaya heshiiska doorashada, Deni iyo Axmed Madoobe oo amnigooda la sugayo

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saaxiibbada caalamiga ah...

Shiinaha ayaa beeniyay in ay basaaseen madaxa shirkadda Nvidia

Shiinaha ayaa iska fogeeyay waxa uu ku tilmaamay eedeymo...

Trump oo ku dhawaaqay in dagaalka Iran uu milatari ahaan dhammaaday

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dagaalka ka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre oo digniin culus u diray saraakiil uu ku eedeeyay dhul-boob iyo barakicin ka socda degmada Dayniile

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles