Kenya oo xirtay muwaadin Soomaaliyeed oo loo haysto kiis culus

Waaxda Dambi-baarista Kenya (DCI) ayaa gacanta ku dhigtay nin lagu magacaabo Fatah Farah Ahmed, kaas oo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa qorshe lagu doonayay in si khiyaano ah lagu hantiyo dhul ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Ninkan ayaa laga soo qabtay xaafadda Nyayo Estate ee deegaanka Embakasi, iyadoo xarunta DCI-da ee qaabilsan baaritaanka khiyaanooyinka dhulka (LFIU) ay sheegtay in xariggiisu la xiriirayo baaritaan ku saabsan isku day lagu doonayay in lagu boobo dhul uu leeyahay qof dumar ah.

Dhulka la isku hayo ayaa ku yaalla Waddada 4-aad ee xaafadda Eastleigh Section One, waxaana lagu qiyaasay qiimihiisa 25 milyan oo shilinka Kenya ah. Baaxadda dhulka ayaa lagu sheegay inta u dhexeysa 50 ilaa 100 feet.

Sida ay sheegtay DCI-da, cabashada kiiskan waxaa soo gudbiyay mulkiilaha dhulka, kaas oo ku eedeeyay Fatah Farah Ahmed iyo shirkadda Skyline Works Limited inay isku dayeen inay si sharci-darro ah ula wareegaan lahaanshaha hantidiisa isaga oo aan waxba kala socon.

Baaritaannada ay sameeyeen laamaha dambi-baarista ayaa lagu ogaaday in dadka looga shakisan yahay kiiskan ay diyaariyeen dukumentiyo been abuur ah oo ay doonayeen inay u adeegsadaan la wareegidda dhulka.

Kiiska ayaa markii hore loo gudbiyay Xafiiska Agaasimaha Dacwad-oogista Dadweynaha ee Kenya (ODPP), kaas oo dib u eegis ku sameeyay caddeymaha la ururiyay, isla markaana tilmaamay in saddex qof oo looga shakisan yahay ay ku lug lahaayeen sameynta dukumentiyo been abuur ah.

Fatah Farah Ahmed ayaa noqday qofkii labaad ee loo xiro kiiskan, kaddib markii horraantii sannadkan la xiray nin kale oo lagu magacaabo Abdul Tahalil, halka qofka saddexaad ee looga shakisan yahay kiiska ay weli baadi-goobayaan laamaha ammaanka.

Sidoo kale Warbixinta ayaa sheegtay in baaritaannada ay socdaan, iyadoo ninka la xiray la horgeyn doono maxkamadda si tallaabo sharci ah looga qaado.

Kenya ayaa muddooyinkii dambe la tacaaleysay kiisaska la xiriira dhul-boobka iyo adeegsiga dukumentiyada been abuurka ah, gaar ahaan magaalada Nairobi oo ay ka jiraan muranno badan oo la xiriira lahaanshaha dhulka iyo hantida ma-guurtada ah.

WARARKII KALE

Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Masar kaddib shil dhimasho badan sababay

Shil gaari oo sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed...

Q.M oo shaacisay in malaayiin Soomaali ah ay wajahayaan cunto yari ba’an iyo nafaqo-darro

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaaladda sii kordheysa ee...

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgallada ka socda gobolka Bay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgallada...

31 qof oo ku dhintay shil ka dhacay magaalada Qaahira

31 qof ayaa ku dhintay, halka 21 kalena ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo diiday go’aamada Muqdisho, difaacayna heshiisyada Puntland la gashay Imaaraadka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles