Deni oo diiday go’aamada Muqdisho, difaacayna heshiisyada Puntland la gashay Imaaraadka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali doonin go’aamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku adkeystay in maamulkiisu sii wadi doono heshiisyada uu la galay dhinacyada caalamiga ah.

Deni oo khudbad ka jeediyay magaalada Gaalkacyo ayaa si gaar ah u difaacay xiriirka iyo heshiisyada Puntland kala dhexeeya Imaaraadka Carabta, xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay Imaaraadka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in maamulkiisu uu ilaalin doono heshiis kasta oo uu galay, islamarkaana uusan u hoggaansami doonin go’aamada ay soo saarto Dowladda Federaalka.

“Waxaan adkeyn doonaa cid kasta oo aan heshiis la galnay, waalida ay akhrineyso dowladda Xamar fadhido kuma xirnaan doono,” ayuu yiri Siciid Deni.

Sidoo kale, Deni ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalida aysan habboonayn in loo bandhigo dalalka shisheeye si ay u xalliyaan, isaga oo ku tilmaamay arrintaas ceeb.

“Dadka Soomaaliyeed iyagaa is qabtay, haddaan ka dhigno in shisheeye noo heshiiyo waa ceeb. Annagu cid kasta oo heshiis naga dhexeeyo waan ilaalinaynaa, una joojin mayno dowlad waqtigeedu dhammaaday,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Dhanka kale, Siciid Deni ayaa shaaciyay in Puntland iyo Galmudug ay yeelanayaan wadatashi ku saabsan xaaladda dalka, isaga oo sheegay in labada maamul ay door ka qaadan doonaan badbaadinta Soomaaliya.

“Waddanka waan meteleynaa oo badbaadineynaa, Puntland iyo Galmudug way tashanayaan, heshiisyada aan galnayna kama noqoneyno,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadallada Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, heshiisyada dibadda iyo mustaqbalka hannaanka dowladnimada Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha wakiiladda Galmudug oo ansixiyay Xukuumadda Cusub ee Liibaan Shuluq

Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad ah...

Ciidamo la wareegay xarunta ururka qareenada Soomaaliyeed

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa maanta hareereeyay xarunta...

Midowga Afrika oo maanta ka shiraya mustaqbalka AUSSOM iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa maanta oo...

Taiwan oo wakiil cusub u magacawday Somaliland, xilli uu cadaadis kala kulmayo Shiinaha iyo Soomaaliya

Dowladda Taiwan ayaa wakiil cusub u magacawday Somaliland, kaddib...

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles