Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa maanta oo Arbaco ah, 25-ka Nofeembar 2026, kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya, howlaha ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM iyo mustaqbalka howlgalka, xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee saameynaya joogitaanka ciidamada Midowga Afrika.
Kulankan ayaa waxaa warbixin ka jeedinaya mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika, waxaana sidoo kale la filayaa inay hadallo ka jeediyaan wakiillada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, halka warbixin ku saabsan howlaha AUSSOM uu Golaha siinayo madaxa howlgalka, Danjire El Hadji Ibrahima Diene.
Ajandaha kulanka waxaa ugu waaweyn xaaladda dhaqaale ee AUSSOM, qorshaha dhimista iyo bixitaanka ciidamada Midowga Afrika iyo sidii mas’uuliyadda amniga si tartiib-tartiib ah loogu wareejin lahaa ciidamada Soomaaliya.
Warbixinta hordhaca ah ee kulanka ayaa muujineysa in Golaha uu si gaar ah uga walaacsan yahay mustaqbalka howlgalka, maadaama ay jiraan caqabado dhaqaale iyo hubanti la’aan ku saabsan taageerada saadka ee Qaramada Midoobay (UNSOS), taas oo muhiim u ah sii socoshada howlaha ciidamada AUSSOM.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in laga doodo saameynta ay dhimista ciidamada Uganda ku yeelan karto amniga Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada ay ciidamadaasi ka howlgalaan, iyo khatarta ka dhalan karta haddii ciidamada Midowga Afrika ay baxaan iyadoo aan la helin qorshe amni oo beddel ah.
Dhanka siyaasadda, Golaha ayaa la filayaa inuu ku baaqo in dowladda Federaalka iyo mucaaradku ay wada-hadallo ku xalliyaan khilaafka doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Kulankan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya kaddib markii Midowga Afrika, dowladda Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM ay Muqdisho ku soo gabagabeeyeen shir afar maalmood socday, kaas oo lagu diyaariyay qorshe mideysan oo si marxalado ah loogu wareejinayo mas’uuliyadda amniga ciidamada Soomaaliyeed. Waxaa la filayaa in natiijada kulanka Golaha ay saameyn ku yeelato go’aannada laga gaarayo cusbooneysiinta waajibaadka AUSSOM iyo UNSOS ee sannadka 2027, iyo qorshaha mustaqbalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya


