Taiwan oo wakiil cusub u magacawday Somaliland, xilli uu cadaadis kala kulmayo Shiinaha iyo Soomaaliya

Dowladda Taiwan ayaa wakiil cusub u magacawday Somaliland, kaddib markii ay shaacisay in wakiilkeeda hadda jooga magaalada Hargeysa, Chenhwa Lou, uu xilka ka degayo, isla markaana uu dib ugu laabanayo dalkiisa.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Taiwan ayaa Talaadadii xaqiijiyey isbeddelka diblomaasiyadeed, iyadoo wakiilka cusub ee loo magacaabay Somaliland uu yahay Chou Shyue-yow, oo hore u ahaa ku-xigeenka wakiilka Taiwan u fadhiya dalka Japan.

Sidoo kale, Chen Chih-jen oo ahaa la-taliye ka tirsanaa xafiiska Taiwan ee Japan ayaa loo dallacsiiyey xilka ku-xigeenka wakiilka Taiwan ee Somaliland.

Wakaaladda wararka Taiwan ee CNA ayaa sheegtay in Chenhwa Lou uu Somaliland yimid bishii Agoosto 2020, xilligaas oo uu door muhiim ah ka qaatay furitaanka xafiiska wakiillada Taiwan ee magaalada Hargeysa.

Lou ayaa xilka hayey muddo ka badan lix sano, waxaana la filayaa inuu dib ugu laabto Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan, halka diblomaasiga cusub ee Chou Shyue-yow uu hore uga soo shaqeeyey magaalada San Francisco ee dalka Mareykanka iyo dalka Japan.

Magacaabistan ayaa imaanaysa xilli xiriirka Taiwan iyo Somaliland uu wajahayo cadaadis diblomaasiyadeed oo kaga imaanaya Shiinaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo si joogto ah uga horyimid xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Somaliland iyo Taiwan ayaa sannadkii 2020 kala furtay xafiisyo wakiillo oo ku kala yaalla magaalooyinka Hargeysa iyo Taipei, kuwaas oo tan iyo xilligaas ka shaqeynayey xoojinta xiriirka siyaasadeed, dhaqaale iyo iskaashiga dhinacyada kale.

Bishii Janaayo 2026, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa bayaan wadajir ah ku adkeeyey taageerada midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kale diiday tallaabooyinka ay u arkaan kuwo dhaawacaya danaha labada dal.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Abriil 2025 mamnuucday in dadka wata dukumentiyada safarka ee Taiwan ay soo galaan, ka sii gudbaan ama ka baxaan Soomaaliya. Tallaabadaas ayaa waxaa soo dhoweeyey dowladda Shiinaha oo ku tilmaantay mid waafaqsan mabda’a hal-Shiine

Magacaabista wakiilka cusub ayaa muujinaysa in Taiwan ay sii waddayso xiriirkeeda wakiilnimo ee Somaliland, inkastoo ay jiraan diidmo iyo cadaadis diblomaasiyadeed oo kaga imaanaya Beijing iyo Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo diiday go’aamada Muqdisho, difaacayna heshiisyada Puntland la gashay Imaaraadka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland...

Golaha wakiiladda Galmudug oo ansixiyay Xukuumadda Cusub ee Liibaan Shuluq

Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad ah...

Ciidamo la wareegay xarunta ururka qareenada Soomaaliyeed

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa maanta hareereeyay xarunta...

Midowga Afrika oo maanta ka shiraya mustaqbalka AUSSOM iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa maanta oo...

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles