Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Masar kaddib shil dhimasho badan sababay

Shil gaari oo sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo baaxad leh ayaa xalay ka dhacay dalka Masar, kaddib markii booyad shidaal siday ay ku rogmatay waddada weyn ee Cairo Ring Road, gaar ahaan deegaanka Al-Warraaq ee gobolka Giza, duleedka caasimadda Qaahira.

Booyadda oo ku dhacday xayndaabka waddada ayaa markiiba qaraxday, waxaana dab xooggan oo ka dhashay qaraxa uu ku faafay gaadiid kale oo xilligaasi marayay waddada, taas oo sababtay musiibo baaxad leh.

Wararka laga helayo goobta shilka ayaa sheegaya in in ka badan 31 qof ay ku dhinteen, halka ugu yaraan 21 qof oo kale ay dhaawacyo soo gaareen, qaarkoodna ay soo gaareen gubasho daran. Sidoo kale, in ka badan 27 gaari ayaa ku burburay dabka iyo qaraxa ka dhashay booyadda.

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, ayaa tacsi u diray qoysaska dadkooda ku waayay shilka, isagoo hay’adaha dowladda faray inay gargaar iyo taageero degdeg ah gaarsiiyaan dadka dhaawacmay iyo qoysaska ay musiibadu saameysay.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi rasmi ah u dirtay dowladda iyo shacabka Masar, kaddib shilka naxdinta leh ee ka dhacay deegaanka Al-Warraaq ee gobolka Giza.

War-saxaafadeed tacsi ah oo dowladda Soomaaliya soo saartay 25-ka Nofeembar 2026 ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay murugada la qeybsaneyso Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, hoggaankeeda, dowladdeeda iyo shacabkeeda, xilli ay wajahayaan musiibadan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska ay musiibadu saameysay, iyadoo Alle uga bariday inuu naxariistiisa janno siiyo dadkii ku geeriyooday shilka, halka dadka dhaawacmayna ay u rajeysay caafimaad degdeg ah oo taam ah.

Shilkan ayaa ka mid noqday musiibooyinka gaadiid ee khasaaraha badan dhaliyay, waxaana weli muhiimad gaar ah la siinayaa gurmadka iyo daryeelka dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay.

WARARKII KALE

Kenya oo xirtay muwaadin Soomaaliyeed oo loo haysto kiis culus

Waaxda Dambi-baarista Kenya (DCI) ayaa gacanta ku dhigtay nin...

Q.M oo shaacisay in malaayiin Soomaali ah ay wajahayaan cunto yari ba’an iyo nafaqo-darro

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaaladda sii kordheysa ee...

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgallada ka socda gobolka Bay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgallada...

31 qof oo ku dhintay shil ka dhacay magaalada Qaahira

31 qof ayaa ku dhintay, halka 21 kalena ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo diiday go’aamada Muqdisho, difaacayna heshiisyada Puntland la gashay Imaaraadka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles