Maxamed Cismaan Yuusuf, oo ahaa darawal Soomaali-Maraykan ah oo u shaqeynayay shirkadda gaadiidka ee Uber, ayaa geeriyooday laba toddobaad kaddib markii weerar culus loogu geystay xilli uu ku jiray shaqadiisa magaalada Hopkins ee duleedka Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Marxuumka oo 51 jir ahaa, isla markaana ahaa aabbe dhalay shan carruur ah, ayaa muddo laba toddobaad ah ku jiray xaalad caafimaad oo aad u liidatay, isaga oo lagu hayay qalabka neefsashada iyo taageerada nolosha ee isbitaalka Hennepin County Medical Center ee magaalada Minneapolis.
Wiilkiisa Mukhtaar Cismaan ayaa warbaahinta MPR u sheegay in aabbihii lagu sameeyay ugu yaraan siddeed qalliin, balse dhaawacyadii culus ee soo gaaray ay ugu dambeyn sababeen geeridiisa.
Sida ku cad gal-dacwadeedka, dhacdadan ayaa timid habeenkii 14-kii November, markaas oo Maxamed uu rakaab ka qaaday meel u dhow goob lagu caweeyo oo ku taalla waqooyi-bari Minneapolis, wax yar ka hor 1-dii habeenimo.
Xilligaas ayuu telefoon kula hadlayay walaalkiis oo isaguna ka shaqeeya adeegga Uber, kaas oo booliiska u sheegay inuu maqlay rakaabkii oo weydiinaya magaca darawalka, markii uu Maxamed u jawaabayna uu ku yiri: “Ma jecli magacaas.”
Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa ku eedeeyay rakaabka oo lagu magacaabo Samit Apurva Patel, 25 jir ah, inuu Maxamed ku ceejiyay suunka gaariga, kaddibna uu gaariga ka dejiyay, isla markaana uu ku jiiray gaarigii uu watay ka hor inta uusan goobta ka baxsan.
Xeer-ilaaliyaha degmada Hennepin, Mary Moriarty, ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in eedeysanuhu uu dib ugu soo laabtay goobta, isla markaana uu mar kale gaariga ku dhuftay darawalka.
Booliiska ayaa markii dambe gaariga Maxamed ka helay bannaanka guriga waalidka eedeysanaha, halkaas oo uu tagay kaddib dhacdada. Waalidiintiisa ayaa booliiska wacay markii uu guriga yimid isagoo xaalad aan caadi ahayn ku jira.
Ciidamada booliiska ayaa adeegsaday xogta saacadda casriga ah ee Maxamed si ay u raadiyaan halka uu ku sugan yahay, waxaana ugu dambeyn laga helay god ku yaalla dhinaca waddada, iyadoo la adeegsanayay diyaarad aan duuliye lahayn.
Dhaawacyada soo gaaray Maxamed waxaa ka mid ahaa dhaawac laf-dhabarta ah, sambab burburay, feero iyo lug jabtay, iyo dhiig-bax gudaha ah oo sababay in dhakhaatiirtu qalliinno dhowr ah ku sameeyaan.
Xafiiska Xeer-ilaalinta degmada Hennepin ayaa 17-kii November dacwad ku soo oogay Samit Apurva Patel, isaga oo lagu eedeeyay isku day dil oo heerka labaad ah iyo dhac gaari oo heerka koowaad ah.
Eedeysanaha ayaa bixiyay damiin dhan 800,000 oo dollar, waxaana xabsiga laga sii daayay 18-kii November, iyadoo lagu xiray qalab elektaroonig ah oo lagula socdo dhaqdhaqaaqiisa. Dhageysiga xiga ee maxkamaddiisa ayaa loo asteeyay 16-ka December.
Shirkadda Uber ayaa dhankeeda sheegtay inay eedeysanaha ka mamnuucday adeegyadeeda, isla markaana ay la shaqeynayso hay’adaha baaritaanka.
Weerarkan ayaa dhaliyay walaac xooggan oo ka dhex jira bulshada Soomaaliyeed iyo Muslimiinta ku nool gobolka Minnesota, kaddib markii ay soo baxeen hadallo la sheegay in eedeysanuhu ku yiri Maxamed oo la xiriiray magaciisa.
Taliyaha booliiska magaalada Hopkins, Brent Johnson, ayaa sheegay in baaritaanka lagu eegayo suurtagalnimada in weerarka uu salka ku hayay naceyb.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Minnesota, Keith Ellison, ayaa isaguna sheegay in weerarku u muuqday mid lagu bartilmaameedsaday bulshada Soomaaliyeed iyo Muslimiinta.
Ururka Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee CAIR, gaar ahaan laantiisa Minnesota, ayaa ku baaqay in FBI-da iyo Xafiiska Baarista Dembiyada Minnesota ay dhacdada u baaraan dembi naceyb ah.
Hase yeeshee, xeer-ilaaliyaha degmada Mary Moriarty ayaa sheegtay in caddeymaha ilaa hadda la hayo aysan ku filneyn in si sharci ah loo xaqiijiyo in naceyb uu ahaa sababta weerarka, iyadoo xustay in baaritaanku weli socdo.
Geerida Maxamed ayaa murugo weyn ku abuurtay qoyskiisa iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota.
Maalmo kaddib weerarka ayaa magaalada Hopkins lagu qabtay kulan shumacyo lagu shidayay oo loogu duceynayay, laguna xusayay marxuumka, waxaana sidoo kale Minneapolis ka dhacay bannaanbaxyo lagu dalbanayay caddaalad.
Olole dhaqaale oo qoysku u furay si looga caawiyo kharashaadka caafimaadka iyo nolosha carruurta ayaa la sheegay inuu ururiyay in ka badan 481,000 oo dollar.
Maxamed Cismaan Yuusuf ayaa ifka uga tagay shan carruur ah, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay habeen iyo maalinba ku sugnaa isbitaalka, iyagoo rajeynayay inuu aabbahood kasoo kabsan doono dhaawacyada.
Geeridiisa ayaa dib u soo celisay doodda ku saabsan badbaadada darawallada gaadiidka dadweynaha iyo walaaca laga qabo weerarrada lagu bartilmaameedsado dadka laga tirada badan yahay ee ku nool Mareykanka.


