Trump ayaa Xuutiyiinta dib ugu asteeyay in ay yihiin Urur Argagixiso oo Shisheeye

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Xuutiyiinta Yemen u magacaabay Urur Argagixiso Shisheeye (FTO).

“Dhaqdhaqaaqyada Xuutiyiinta waxay khatar ku yihiin ammaanka rayidka iyo shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, badqabka saaxiibadayada gobolka ee ugu dhow, iyo xasilloonida ganacsiga baddaha caalamka,” ayaa lagu yiri amarka fulinta.

Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah (USAID) waa in ay joojisaa xiriirka ay la leedahay la-hawlgalayaasheeda kuwaas oo lacago siinaya hay’adaha Xuutiyiinta ama “dadaallada lagu dhaleeceeyey ee lagaga hortagayo” kooxda ay Iran taageerto, taas oo saamayn karta hay’adaha samafalka ee Yemen.

Madaxweynihii hore ee Joe Biden ayaa ka saaray liiska aragagaxisada sanadka 2021, isagoo sabab uga dhigay baahida loo qabo in la yareeyo mid ka mid ah xasaradaha bini’aadantinimo ee ugu xun aduunka.

Dalka Yemen waxaa halakeeyay dagaallo sokeeye oo sii xoogeystay kaas oo bilowday 10 sano ka hor, markii Xuuthiyiinta ay kala wareegeen gacan ku haynta waqooyi-galbeed ee dalkaas dowladda caalamku aqoonsan yahay, waxaana soo farageliyay xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo oo Mareykanka taageero.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles