Thursday, July 31, 2025

Trump ayaa Xuutiyiinta dib ugu asteeyay in ay yihiin Urur Argagixiso oo Shisheeye

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Xuutiyiinta Yemen u magacaabay Urur Argagixiso Shisheeye (FTO).

“Dhaqdhaqaaqyada Xuutiyiinta waxay khatar ku yihiin ammaanka rayidka iyo shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, badqabka saaxiibadayada gobolka ee ugu dhow, iyo xasilloonida ganacsiga baddaha caalamka,” ayaa lagu yiri amarka fulinta.

Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah (USAID) waa in ay joojisaa xiriirka ay la leedahay la-hawlgalayaasheeda kuwaas oo lacago siinaya hay’adaha Xuutiyiinta ama “dadaallada lagu dhaleeceeyey ee lagaga hortagayo” kooxda ay Iran taageerto, taas oo saamayn karta hay’adaha samafalka ee Yemen.

Madaxweynihii hore ee Joe Biden ayaa ka saaray liiska aragagaxisada sanadka 2021, isagoo sabab uga dhigay baahida loo qabo in la yareeyo mid ka mid ah xasaradaha bini’aadantinimo ee ugu xun aduunka.

Dalka Yemen waxaa halakeeyay dagaallo sokeeye oo sii xoogeystay kaas oo bilowday 10 sano ka hor, markii Xuuthiyiinta ay kala wareegeen gacan ku haynta waqooyi-galbeed ee dalkaas dowladda caalamku aqoonsan yahay, waxaana soo farageliyay xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo oo Mareykanka taageero.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles