Guddoomiye Amiir oo kormeeray Waraha iyo Biyo qabadyada ku yaala Degmooyinka G/Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kormeeray Waraha iyo Biyo qabadyada ku yaala Degmooyinka Xamarweyne, Boondheere, Warta Nabadda iyo Kaaraan, si loogu diyaar garoowo xilli roobaadka nagu soo food leh.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, oo sheegay in meel wanaagsan uu maraayo howlaha dib hagaajinta Waraha iyo Biyo qabadyada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Amiir ayaa faray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir in ay dar-dargeliyaan hagaajinta Waraha iyo Biyo qabadyada, asigoona ka digay in lagu xad-gudbo Bilicda iyo Nadaafada Magaalada Muqdisho, waxa uuna xusay in dhawaan la hirgelin doono sharciga Nadaafada oo ay ku xusan yihiin ganaaxa ay muteysan doonaan dadka ku xad gudba Nadaafada.

WARARKII KALE

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Laftagareen oo culeys saaray deegaanada KGS

Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis...

Booliska Puntland oo digniin ka soo saaray safarrada xilliga roobabka

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Nabadgelyada Waddooyinka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles