Saturday, June 14, 2025

Guddoomiye Amiir oo kormeeray Waraha iyo Biyo qabadyada ku yaala Degmooyinka G/Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kormeeray Waraha iyo Biyo qabadyada ku yaala Degmooyinka Xamarweyne, Boondheere, Warta Nabadda iyo Kaaraan, si loogu diyaar garoowo xilli roobaadka nagu soo food leh.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, oo sheegay in meel wanaagsan uu maraayo howlaha dib hagaajinta Waraha iyo Biyo qabadyada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Amiir ayaa faray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir in ay dar-dargeliyaan hagaajinta Waraha iyo Biyo qabadyada, asigoona ka digay in lagu xad-gudbo Bilicda iyo Nadaafada Magaalada Muqdisho, waxa uuna xusay in dhawaan la hirgelin doono sharciga Nadaafada oo ay ku xusan yihiin ganaaxa ay muteysan doonaan dadka ku xad gudba Nadaafada.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles