Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Guddoomiye Al-Yamaaxi sida Soomaaliya ay u qadarinayso doorka Baarlamaanka Carabta ee taageerada iyo garab istaagga dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya oo Baarlamaanka Carabtu ay ku soo bandhigaan fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyey sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isdhaafsiga khibradaha iyo mideynta go’aammada heer Carbeed ee arrimaha caalamka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta Soomaaliya iyo dalalka Carabta ee ku aaddan taageerada qadiyadaha Carabta.

Sidoo kale, wuxuu ammaanay aragtida istiraatiijiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriirta doorashooyinka soo socda, la dagaallanka argagixisada, iyo xoreynta deegaannada ay ku hareen argagixisadu.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles