Tuesday, March 24, 2026

Xamaas oo shaaca ka qaaday magacyada lahaystayaasha ay sii deyn doonto

Kooxda Xamaas ee reer Falastiin ayaa maanta oo Jimce ah shaaca ka qaaday magacyada sedex la hayste oo ay sii deyn doonto maalinta berito ah si ay ugu badalato maxaabiis reer Falastiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil.

Sedexda la sii deyn doono waxa ku jira nin haysta labada dhalasho ee Maraykanka iyo Israa’iil.

Yarden Bibas, Keith Siegel iyo Ofer Kalderon ayaa berito oo Sabti ah la sii deyn doonaa sida uu sheegay afhayeenka garabka hubeysan ee ururka Xamaas Abu Cubeyda oo qoraal soo dhigay barta Telegram.

Khamiistii Xamaas waxay sii deysay sedex Israa’iiliyiin ah iyo shan u dhashay Thailand halka Israa’iil ay sii deysay 110 maxbuus oo Falastiiniyiin ah.

Heshiiska xabad joojinta ee lagu joojiyay dagaalkii 15-ka bilood socday ayaa dhigayay in lixda todobaad ee ugu horeeya ay falastiiniyiintu sii daayaan 33 la hayste kuwaas oo lagu badalanayo boqollaal maxbuus oo falastiiniyiin ah oo qaarkood ku xukunnaa xabsi daa’in kuna jiray xabsiyada Israa’iil.

15 la hayste oo ay ku jiraan shan shaqaale oo Thailand u dhashay iyo illaa 400 oo maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa la is weydaarsaday.

Sedex Israa’iiliyiin ah ayaa Khamiistii lagu badashay 90 maxbuus oo falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 9 xabsi daa’in ku xukunayd iyo 81 xabsiyo dhaadheer ku xukunnaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Putin oo si cad u sheegay inuusan joojineyn taageerada uu siiyo Iran

Dowladda Russia ayaa si adag u beenisay warar sheegaya inay qorsheyneyso...

Shiikh Shariif oo taageeray doorashada uu qabsanayo Laftagareen

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Somalia...

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiraan oo beeniyay inuu wadahadal dhexmaray Trump iyo madaxda Iiraan

Madaxweyne Trump ayaa hadda shaaca ka qaaday  in ay...

Trump oo hakiyay duqeymaha Iran 5 maalmood, wada-hadallo xasaasi ah oo furmay

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shaaciyay in dowladda Mareykanka...

Taliyaha ciidamada Haramcad oo gaaray Baraawe

Dowladda Soomaaliya ayaa saraakiil, ciidamo iyo hub dheeraad ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles