Dagaal Maxaabiis looga qabsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Hiiraan

Ciidanka degaanka ee Macawiisley iyo kuwa xoogga dalka ayaa mar kale saaka cashar u dhigay kooxda al shabaab kaddib dagaal culus oo illaa hadda ka socda inta u dhaxeysa deegaanla Beer-yabaal iyo Jicibow ee Bariga Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare lixaad leh al shabaab loo geystay, labo xubnood maxaabiis ahna laga qabtay.

Howlgalka dib uga billowday bariga Gobolka Hiiraan ayaa guulo hordhac ah ka soo hoyeen Macawiisley iyo kuwa xoogga dalka.

Warar ayaa sidoo kaler sheegaya in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay sidoo kale al shabaab ka weerareen jihooyin kale oo ku teedsan webiga shabeelle halkaasoo dagaalo culus ay ka socdaan.

Dagaalka socda ayaa geystay khasaare nafeed oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyada dagaalamaya inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles