Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed ee dalka Kenya Ambassador KANG Hyung-shik.

“Waxaa maanta xarunta Safaaradda ku qaabilo H.E. KANG Hyung-shik, Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Korea.

Labada dal ayaa hadda waxa ay ka wada tirsanyihiin xubnaha aan joogtada ahayn golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay”. Ayuu yiri Danjire Jabriil.

Danjiraha ayaa bidhaamiyay in labada dhinac ay kulankooda diiradda ku saareen dardargelinta arrimaha quseeya danaha wadaagga ah ee labada dal.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday. “Waxaan mar kale xaqiijinay sida ay nooga go’antahay xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka laba geesoodka ah iyo sare u qaadidda wada shaqayn ballaaran oo dhexmarta Somalia iyo Korea.

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dadaalo xooggan ugu jira sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka, taasi oo iminka laga dareemayo galaangalka siyaasadeed ee ay Soomaaliya ku leedahay Caalamka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles