Saturday, March 22, 2025

Qaramada Midoobay oo ka digtay halista colaadda Congo

Saraakiisha ugu sareysa Qaramada Midoobay ee Afrika ayaa ka digay in weerarka fallaagada ay Rwanda taageerto ee bariga Congo, uu khatar ku yahay nabadda guud ahaan gobolka.

Hadalkan ayay saraakiishu ka sheegeen, shir deg deg ahaa oo ay Arbacadi shalay arrintani ka yeesheen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Bintou Keita oo ah ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Congo ayaa sheegtay, “in ay lagama maarmaan tahay in Golaha Ammaanku qaado tillaabooyin degdeg ah oo go’aan qaadasho ah si loo baajiyo dagaal ballaaran oo ka dhaca mandiqadda.

Huang Xia, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gobolka harooyinka waaweyn ee Afrika, oo ay ku jiraan Congo, Burundi, Rwanda iyo Uganda ayaa isna sheegay, in qabsashada magaalooyinka waaweyn ee bariga Kongo ee fallaagada M23 toddobaadyadii la soo dhaafay iyo bayaannada dhinacyada muhiimka ah ay muujinayaan, in khatarta colaadda ka holceysa gobolka ay maanta aad uga halisantahay sidii hore.

Safiirka Faransiiska ee Qaramada Midoobay Nicolas De Riviere ayaa isna ku booriyay Golaha in ay si deg deg ah uu u ansixiyo qaraar qabyo ah oo uu dalkiisu faafiyay laba toddobaad ka hor, kaas oo dib u xaqiijinaya taageerada madaxbanaanida dhuleed ee Kongo.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles