Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka, oo hirgelinteedu ku timid aragtida iyo qorshaha Madaxweynaha ee tayeynta aqoonta iyo xirfadaha difaaca dalka, taasi oo soo saari-doonta aqoonyahanno Soomaaliyeed oo leh xirfad iyo karti ay ugu adeegaan difaaca iyo ilaalinta qaranka.

Jaamacadda Difaaca Qaranka ayaa loo dhisayaa qaab casri ah, iyadoo ka koobnaan doonta dhammaan qaybaha lagama maarmaanka u ah xarun waxbarasho oo heer jaamacadeed ah, sida kulliyado kala duwan, xarumo cilmi-baaris, goobo tababar iyo deegaan, waxaana hirgalinteeda Soomaaliya ka taageeraya dowladda Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay fulinayaan Hoggaanka Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka, kana koobnaan doona saddex dabaq oo loo dhammeystirayo adeegyada caafimaad ee looga baahan yahay isbitaal casri ah, si loo xoojiyo daryeelka caafimaad ee ciidamada iyo bahda kale ee adeegga ka hela.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixiyeen dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha ciidamada, taasi oo suurtagelisay in muddo kaddib ay hay’adahaasi awood u yeeshaan qorsheynta iyo fulinta mashaariic waaweyn oo wax ka taraya tayeynta ciidamada, kor u qaadista aqoontooda iyo daryeelkooda caafimaad.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dib u hawlgeliyey Hoggaanka Dhismaha Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo howlaha dhismaha, dayactirka iyo horumarinta kaabayaasha ciidamada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Urdun oo dil toogasho ku xukuntay saddex nin oo lagu helay in ay weerar gaysteen

Maxkamad ku taalla Urdun ayaa dil toogasho ah ku...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gogoshii...

Guddomiyaha Barlamaanka Iiraan oo weerar afka ku qaaday wasiir Maraykan ah

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa ka jawaabay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Xamsa ee jihada dalka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles