Maxkamad ku taalla Urdun ayaa dil toogasho ah ku xukuntay saddex nin oo lagu helay inay ku lug lahaayeen weerarkii bishii hore lagu qaaday kaniisad ku taalla koonfurta caasimadda Cammaan, kaas oo ay ku dhinteen sagaal qof, 34 kalena ku dhaawacmeen.
Ragga ayaa lagu helay dambiyo la xiriira argagixiso, oo ay ka mid yihiin dil, shirqool iyo faafinta fikrado xagjir ah.
Hase yeeshee, xukunka ayaa hadda loo gudbinayaa maxkamadda ugu sarreysa dalka si ay dib ugu eegto.
Eedeysanayaasha ayaa la xiray saddex maalmood kadib weerarka, kaddib iska horimaad xooggan oo ay ciidamada ammaanku kula galeen guri laga laga guuray oo ku yaalla gobolka Karak.
Weerrada noocan ah waa dhif dalka Urdun, halkaas oo Masiixiyiintu lagu qiyaaso inay yihiin ku dhowaad saddex boqolkiiba dadweynaha.
Weerarka kadib, Urdun ayaa duqeymo aargoosi ah ka fulisay koonfurta Suuriya, iyadoo beegsatay goobo ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin kooxihii weerarka geystay.
Urdun oo dil toogasho ku xukuntay saddex nin oo lagu helay in ay weerar gaysteen
NAGU SOO BIIR


