Dagaal culus oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa dagaal culus la galay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaannada Cali Fooldheere iyo Cali Axmed.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay weeraro ku qaadaan fariisimaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin goobahaas.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidanku ay horey u ogaayeen qorshaha weerarka, taasoo siisay fursad ay kaga hortagaan maleeshiyada Al-Shabaab. Sida uu sheegay afhayeenku, dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ayaa la gaarsiiyay jab culus, iyadoo ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay dib u riixeen weerarkii lagu soo qaaday.

Sidoo kale, ciidamada ayaa helay gurmad kala duwan oo xoojiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Afhayeenka ma uusan shaacin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka, balse wuxuu sheegay in faahfaahin laga bixin doono saacadaha soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xasan Sheekh oo warqadaha Danjirnimo ka guddoomay Safiirrada Turkiga iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka...

Wafdiga waan-waanta wada oo la kulmay A/Madoobe

Wafdi qeyb ka ah dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed...

Turkiga oo si weyn ugu dhex milmay colaadda siyaasadeed ee Soomaaliya

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa warbixin ay ka qortay...

Uganda iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay arrinta AUSSOM

Dowladda Uganda ayaa Midowga Yurub kala hadashay mustaqbalka howlgalka...

Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay xilka madaxweynaha deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles