Booliiska Muqdisho oo lacag dul dhigay labo nin oo baxsad ku jiray

Taliska ciidanka Booliiska Soomaliyeed ayaa baahiyay magacyada labo nin oo ku eedeysan in ay dil u geesteen qof shacab ah, raggan dilka geestay ayaana la sheegay in ay baxsadeen.

Booliiska ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in ay gacan ku siiyaan soo qabashada labadan nin ee dilka geestay, kuwaa oo baadigoob ugu jiraan booliiska sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

“Sadam Cumar C/Samad iyo C/risaaq Cali Maxamed(Aflow) kuna eedeysan in ay si bareer ah u dileen 14/2/2024 askari katirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Marxuum Caamir Ismaaciil Cali 25 jir ah. Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu wargalinayaa in ay soo qabashada eedeysanayaashaan ku gacan siiyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Booliiska magaalada Muqdisho ayaana u ballanqaaday qofkii keena xog lagu soo qaban karo raggan dilka geestay in lasiin doono lacag gaareysa 10.000 kun oo dollar

“Waxaana lagu abaalmarinayaa ruuxii soo gudbiyay xog sahleysa in gacanta lagu dhigo amma xumin walba oo ka tirsan Hay’addaha amaanka oo ku guuleesya in uu gacanta ku soo dhigo 10.000$ toban kun oo Doolarka Mareykanka ah” ayaa lagu yiri warka booliiska.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles