Monday, September 1, 2025

Booliiska Muqdisho oo lacag dul dhigay labo nin oo baxsad ku jiray

Taliska ciidanka Booliiska Soomaliyeed ayaa baahiyay magacyada labo nin oo ku eedeysan in ay dil u geesteen qof shacab ah, raggan dilka geestay ayaana la sheegay in ay baxsadeen.

Booliiska ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in ay gacan ku siiyaan soo qabashada labadan nin ee dilka geestay, kuwaa oo baadigoob ugu jiraan booliiska sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

โ€œSadam Cumar C/Samad iyo C/risaaq Cali Maxamed(Aflow) kuna eedeysan in ay si bareer ah u dileen 14/2/2024 askari katirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Marxuum Caamir Ismaaciil Cali 25 jir ah. Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu wargalinayaa in ay soo qabashada eedeysanayaashaan ku gacan siiyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeedโ€ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Booliiska magaalada Muqdisho ayaana u ballanqaaday qofkii keena xog lagu soo qaban karo raggan dilka geestay in lasiin doono lacag gaareysa 10.000 kun oo dollar

โ€œWaxaana lagu abaalmarinayaa ruuxii soo gudbiyay xog sahleysa in gacanta lagu dhigo amma xumin walba oo ka tirsan Hayโ€™addaha amaanka oo ku guuleesya in uu gacanta ku soo dhigo 10.000$ toban kun oo Doolarka Mareykanka ahโ€ ayaa lagu yiri warka booliiska.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles