Tuesday, May 26, 2026

Qunsuliyadda Ruushka ee Marseille oo la weeraray

Saddex walxaha qarxa ah oo gacan ku sameys ah ayaa lagu tuuray qunsuliyadda Ruushka ee magaalada Marseille ee koonfurta Faransiiska, Isniinta maanta ah, balse ma jirin cid wax ku noqotay, sida uu sheegay sarkaal boolis ah.

Labo ka mid ah walxaha qarxa ayaa qarxay, halka midda saddexaad aysan shaqeyn, sida uu sheegay sarkaalka, waxaana weerarkan uu ku soo beegmay sannad-guuradii saddexaad ee duullaankii Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Booliska ayaa go’doomiyay qunsuliyadda, waxaana wariyeyaal ka tirsan AFP ay maqleen qarax uu sababay robot-ka baarista waxyaabaha qarxa.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa cambaareysay weerarka, kuna tilmaantay “fal argagixiso.”

“Qaraxyada ka dhacay qunsuliyadda guud ee Ruushka ee Marseille waxay leeyihiin dhammaan astaamaha fal argagixiso,” ayay tiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Maria Zakharova, oo la hadleysay warbaahinta Ruushka.

“Waxaan dalbaneynaa in waddanka martida loo yahay uu sameeyo baaritaan dhameystiran oo degdeg ah, iyo in la qaado tallaabooyin lagu xoojinayo ammaanka xarumaha diblomaasiyadeed ee Ruushka,” ayay tiri Zakharova.

Faransiiska ayaa si dhaqso ah u cambaareeyay dhacdadan. “Faransiisku wuxuu cambaareynayaa weerar kasta oo wax u dhimaya amniga xarumaha diblomaasiyadeed,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Xurmeynta, ilaalinta, iyo badqabka xarumaha diblomaasiyadeed iyo shaqaalahooda waa qodobo aasaasi ah oo ku xusan sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Bishii Febraayo 24, 2022, hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa duullaan ku qaaday Ukraine oo xulafo la ah reer Galbeedka, taasoo bilowday dagaalkii ugu weynaa ee Yurub ka dhaca tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Bulshada Rayidka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay...

Falcelin xooggan oo ka dhashay kulamada uu Muqdisho ka wado Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u dhaliilay...

Booliska Waqooyi bari oo qabtay rag loo haysto Kursi ka dhacay Laascaanood

Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa shaaciyay...

NISA Oo sheegtay in la Burburiyay Fariisimo Al-Shabaab ku Lahaayeen Hiiraan

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay...

Trump oo sheegay inaan lagu deg degin heshiiska lala galayo Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa faray dhexdhexaadiyayaasha “in aan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles