Monday, May 25, 2026

Turkiga muxuu ka yiri heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Türkiye, Hakan Fidan, ayaa war ka soo saaray heshiiska ay gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo dowladda Turkiga ay garwadeen ka aheyd,

Fiden ayaa waxaa uu taageeray heshiiska nabadeed ee u dhexeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasilloonida gobolka.

Hakan Fidan oo la hadlayay warbaahinta Bloomberg ee laga leeyahay dalka Maraykanka, waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay xiriirka Türkiga iyo Midowga Afrika.

Wasiir Fidan ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday sida Türkiga ay uga go’an tahay ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

“Waxaan si dhow ula shaqaynaynaa dowladda Soomaaliya si aan ula dagaallano kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab,” ayuu yiri, isaga oo muujiyay rajo ah in arrimaha amniga Soomaaliya la xallin karo waqti ka dib haddii la helo taageero caalami ah oo joogto ah.

Fidan ayaa heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa uu ku sifeeyay tusaale ay dalalka Afrika uga faa’iidaysan karaan xalinta arrimahooda.

“Heshiiska nabadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya waa guul, waana tusaale muujinaya sida dalalka Afrika ay mas’uul uga noqon karaan arrimahooda,” ayuu yiri Hakan Fidan.

Markuu ka hadlayey doorka Türkiye ay ku leedahay geeddi-socodka nabadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, Fidan wuxuu tilmaamay in uusan jirin dagaal hubaysan oo ka socda gobollada kala duwan ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay arrin wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray inay weli jiraan xiisado gudaha ah oo ka taagan gudaha dalka una baahan xal deg deg ah.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weli ku jira dhameystirka baaqii kasoo baxay Ankara, iyagoo haatan labada dal ay dib usoo celiyeen xiriirkoodii diblumaasiyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo hor istaagtay dadkii maanta u safri lahaa dalka Masar

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Xuseen Iidow ayaa maanta...

Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo cambaareeyay safaarada Somaliland ay ka furanayso Qudus

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee 14 dal oo Carbeed iyo...

Booliska oo gacanta ku dhigtay eedeysane loo haysto dil iyo dhaawac ka dhacay Hiiraan

Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo...

Kooxo Burcad-badeed Soomaali ah oo kordhiyay weerarrada Gacanka Cadmeed

Warbixin cusub oo ay daabacday warbaahinta badda ee Maritime...

Turkiga”Dalal ka tirsan Geeska Afrika ayaa codsanaya qaabka iskaashiga amni ee aan ka hirgelinnay Soomaaliya”

Wasiirka Difaaca Turkiga, Yaşar Güler, ayaa shaaca ka qaaday...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles