Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadallo siyaasadeed oo xasaasi ah ka jeediyay xaaladda dalka, isagoo sheegay in dowladda ay ogtahay inay jiraan weerarro lagu soo qaadayo, balse aysan marnaba is dhiibi doonin.
“Waan ognahay in nala soo weerarayo, haddii nala soo weerarana isma dhiibi doonno,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay soo martay hoggaamiyeyaal uu ku eedeeyay inay danahooda gaarka ah iyo kuwa qoysaskooda iyo qabiilladooda ka hormarin jireen danta guud ee dalka.
“Soomaaliya waxaa lagu imtixaamay hoggaamiye qoyskiisa iyo qabiilkiisa u nool,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa ku daray: “Dalka waxaan u wadnaa meel aan la garanayn.”
Hadaladan ayaa imaanaya xilli dalka uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo salka ku haya arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo mustaqbalka hoggaanka dalka.


