Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa beenisay wararka sheegaya in dowladda Ankara ay qorsheyneyso inay Soomaaliya u dirto 15,000 oo askari, kaddib codsi la sheegay inuu uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Admiral Zeki Aktürk, ayaa sheegay in warkaasi uusan waxba ka jirin, isla markaana ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ku sugan ay sii wadaan howlahooda tababarka, talo-bixinta iyo taageerada milatari.
Isagoo ka hadlayay shirkiisa toddobaadlaha ah ee wasaaradda, ayuu sheegay in Ciidanka Hawlgalka Turkiga ee Soomaaliya iyo taliska ciidanka cirka ee Turkiga ee dalka jooga ay ka shaqeynayaan horumarinta awoodda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, iyagoo bixinaya tababar iyo taageero ciidan.
Zeki Aktürk ayaa si cad u sheegay in sheegashada ah in Turkigu Soomaaliya u dirayo 15,000 oo askari aysan run ahayn.
Turkiga ayaa Soomaaliya ka waday tababarka ciidamada tan iyo sannadkii 2017, markii si rasmi ah loo hawlgeliyay xarunta tababarka milatariga ee TURKSOM ee Muqdisho.
Xaruntan ayaa lagu tababaraa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutooyinka Gorgor iyo cutubyo kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya ka taageera dhismaha awoodda ciidamada, saadka, kaabayaasha milatariga iyo tayeynta hoggaanka ciidamada.


