Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday deegaanka Al-Kowthar ee gobolka Shabeelada Dhexe oo halkaasi ay saldhighyo ay ku leeyiiin ciidamada dowladdda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.
Ciidamada huwanta ayaa ka hortagay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Al-Kowthar, iyadoona la soo warinayaa in khasaare xooggan halkaasi lagu gaarsiiyay.
ย Dhinacyada ayaa hubka culus isku weydaarsaday duleedka deegaanka, waxaana weli soconayo dagaalka.
ย Wararkii ugu dambeeyay ee Al-kowthar ayaa sheegaya dagaalka oo dhowr jeer la isku laabtay uu Qasaare badan dhaliyay.
ย Dhinaca ciidamada dowladda iyo kuwa maleeshiyada degaanka ayaa sheegay inay Gaadiid dagaal ka gubeen Alshabaabka weerarka ahaa, iyadoo dib u celiyay, balse weli xaaladda ayaa kacan, waxaana weli socda dagaalka.
ย Ciidamada dowladda iyo Macaawileyda degaanka ayaa wajahaya weeraradii ugu badnaa ee Sabaab kuusoo qaado degaanada Hirshabelle.
ย Saaka oo kaliya waxay AS weerarreen degaanda Beero-yabaal, Aboorey iyo Ceel Cali Axmed oo ay gudaha u galeen, kadibna waxay Weerar kale oo gaadmo ah ku qaadeen Alkowthar, waxaana muuqata inay xoogga saarayaan Hirshabeelle oo muddooyinkan dambe uu ka socday abaabul qorshe dagaal oo wejiga labaad ah.