Tuesday, August 18, 2026

Wasiir Roobow “Xaaska walaalkay oo ummul ah ayey afduubteen Al-shabaab’

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u muujisay taageerada ay u hayso dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta, iyada oo ku baaqday in aan loo kala harin halganka lagu ciribtirayo kooxdan.

Shir jaraa’id oo ay qabatay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan dowladda, si looga adkaado cadowga nabadda iyo horumarka dalka diiddan. Wasiirka Wasaaradda, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa si adag u cambaareeyay falalka arxan-darrada ah ee ay kooxda u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Xaaska walaalkay oo ummul ah ayey afduubteen AS, ilmihii yaraana cidlay uga tageen,” waxa Uu sidookale yiri “Waxan leeyahay, walaalayaalow dhibkan guul ka keenimaysaane, dowladda kaalaya la heshiiya.”

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa hoosta ka xariiqday in dagaalka lagu jiro uusan ahayn mid dowladda kaliya saaran, balse uu yahay waajib saaran dhammaan shacabka Soomaaliyeed, si loo helo dal xasilloon oo xor ka ah kooxaha Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii looga sifeyn lahaa dalka khawaarijta, iyadoo ciidan iyo shacabka isku duuban ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sheekh Cali wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed oo meesha ka hadlay ayaa dhankiisa tilmaamay mooqifka culimada ee dagaalka Al Shabaab, isagoo sheegay in dowlad iyo shacaba loo istaago sidii dalka looga xoreeyn lahaa khawaarijta oo ka been sheegay diinteensuuban ee Islaamka.

Culimada kale ee shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dhankooda sidoo kale adkeey muhiimadda ay leedahay garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Al Shabaab kula dagaalamaya furimaha hore ee dagaalka, iyagoo mar kale carabka ku adkeeyey dilka kooxdaasi in Alle loogu dhawaanayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles