Sunday, December 21, 2025

Wasiir Roobow “Xaaska walaalkay oo ummul ah ayey afduubteen Al-shabaab’

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u muujisay taageerada ay u hayso dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta, iyada oo ku baaqday in aan loo kala harin halganka lagu ciribtirayo kooxdan.

Shir jaraa’id oo ay qabatay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan dowladda, si looga adkaado cadowga nabadda iyo horumarka dalka diiddan. Wasiirka Wasaaradda, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa si adag u cambaareeyay falalka arxan-darrada ah ee ay kooxda u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Xaaska walaalkay oo ummul ah ayey afduubteen AS, ilmihii yaraana cidlay uga tageen,” waxa Uu sidookale yiri “Waxan leeyahay, walaalayaalow dhibkan guul ka keenimaysaane, dowladda kaalaya la heshiiya.”

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa hoosta ka xariiqday in dagaalka lagu jiro uusan ahayn mid dowladda kaliya saaran, balse uu yahay waajib saaran dhammaan shacabka Soomaaliyeed, si loo helo dal xasilloon oo xor ka ah kooxaha Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii looga sifeyn lahaa dalka khawaarijta, iyadoo ciidan iyo shacabka isku duuban ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sheekh Cali wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed oo meesha ka hadlay ayaa dhankiisa tilmaamay mooqifka culimada ee dagaalka Al Shabaab, isagoo sheegay in dowlad iyo shacaba loo istaago sidii dalka looga xoreeyn lahaa khawaarijta oo ka been sheegay diinteensuuban ee Islaamka.

Culimada kale ee shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dhankooda sidoo kale adkeey muhiimadda ay leedahay garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Al Shabaab kula dagaalamaya furimaha hore ee dagaalka, iyagoo mar kale carabka ku adkeeyey dilka kooxdaasi in Alle loogu dhawaanayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo ku dhawaaqay dowlad kale inay dhisayaan haddii MW Xasan Sheekh uu wadahadalo furi waayo bil gudaheed

War saxaafadeed ayaa laga soo saaray shirka Golaha mustaqbalka...

DFS oo hakisay waxbarashada sabab la xiriirta doorashooyinka

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shirka ka socda Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si faahfaahsan uga...

Wararkii ugu dambeeyay shirka ka socda Kismaayo

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo...

Xuska 82 sano guuradii ka soo wareegatay as aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabanayo Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles