Ciidamada Puntland iyo Daacish oo xalay ku dagaalamay G/Bari

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland iyo maleeshiyaadka Daacish uu ku dhexmaray buuraleyda Xabley oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari halkaasi oo uu maalmahan ka socday howlgal ka dhan ah kooxda Daacish.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ciidamada difaaca Puntland ay dagaalkaasi xalay ku dileen mileeshiyaad firxad ah oo isku dayay in ay weerar gaadmo ah ku sameeyaan ciidamada ,balse kooxdaasi weerarka soo qaaday badankooda la dilay islamarkaana laga furtay qoryaha fudud.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixin doonaan howlgalka weli ka socda Gobolka Bari.

Ciidamada ammaanka ayaa saaka howlgalo amni xaqiijin ah ka wada Buuraleyda Xabley ee gobolka Bari.

Ciidamada Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo bandhigayay saldhigyo iyo hub cusub ay ka qabsadeen maleeshiyaadka Daacish ee halkaasi ku sugnaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles