Friday, January 30, 2026

Qarax ka dhacay muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarjajab. Qaraxan oo jugtiisa si weyn looga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan caasimadda ayaa sababay burbur xooggan iyo cabsi baahsan oo soo wajahday shacabka.

Sida wararku sheegayaan, qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay, waxaana uu ka dhacay meel aan ka fogeyn isgooyska Ceelgaabta, oo ah waddada laga galo Madaxtooyada Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay burbur dhisme dabaq ah oo ku yiillay goobta, taasoo muujineysa in qaraxa uu ahaa mid si weyn loo qorsheeyay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa durba gaaray ciidamada ammaanka oo bilaabay howlgallo baaritaan ah. Ciidamada ayaa xiray waddada, iyagoo ka hortagaya inay waxyeello kale dhacdo. Xaaladda goobta ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la arkayaa ciidamo farabadan oo ku sugan halkaasi.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxu uu haleelay waddada uu mari lahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Sida la sheegay, qaraxu wuxuu dhacay daqiiqado kahor inta aysan gaadiidkii galbinayay madaxweynaha soo gaarin goobta. Lama oga haddii qaraxan uu la xiriiray isku day dil ama qorshe kale oo liddi ku ah ammaanka.

Markii qaraxu dhacay, waxaa durba la xiray waddada isku xirta Ceelgaabta iyo Madaxtooyada, taasoo sababtay hakad ku yimid isu socodkii magaalada. Dadkii goobta ku sugnaa ayaa kala cararay, iyagoo ka baqaya in qarax kale dhaco. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dhismaha qaraxu burburiyay uu ahaa mid ganacsi, balse ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda warbaahinta la hadlaan, iyagoo faahfaahin ka bixin doona khasaaraha iyo cidda ka dambeysay qaraxan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Axmed Madoobe oo ka adkaaday Xasan Sheekh iyo Waaranka oo laga laabtay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday...

Gen Odawaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka...

Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay Keyd Miinooyin ah oo Al-shabaab ay ku lahaayeen Jabad Godane

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keyd...

Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda bakhaarkii la jabsaday, dibna u fasaxay gargaarka

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dib u billowday gargaarkii...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo MW Xasan Sheekh ugu digay in BF ku caddaadiyo meelmarinta Dastuurka

Goluhu wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles