Tuesday, July 1, 2025

Ciidamada Qaranka oo Weerar Culus Ku Qaaday Xubno Ka Tirsan AS, Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Sh. Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan AS oo ku dhuumaaleysanayey deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkan, oo bilowday waaberigii hore ee saakay, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad AS ah oo isku uruursanayay halkaasi, sida ay saraakiisha ciidanku u xaqiijiyeen warbaahinta.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalku uu socday muddo saacado ah, isla markaana ay ku guuleysteen inay laayaan xubno badan oo ka tirsan AS. Inkasta oo tirada rasmiga ah ee khasaaraha aan la shaacin, haddana ilo-wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in AS khasaare culus lagu gaarsiiyay dagaalka.

Dagaalka kadib, ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa bilaabay hawlgallo ballaaran oo ay ku baacsanayaan xubnaha firxadka ah ee ka badbaaday weerarka. Sida ay saraakiishu sheegeen, firxadka AS ayaa lagu raad-joogaa, waxaana ciidanku wadaan dhaq-dhaqaaqyo lagu xaqiijinayo in maleeshiyaadka baxsaday aanay mar kale dib isugu abaabulin deegaankaasi.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee lagu beegsanayo AS, kuwaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si joogto ah uga socday gobollada dhexe ee dalka, iyadoo ciidamada dowladda ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha AS.

Dhinaca kale, wararka ka imanaya duleedka deegaanka Ceelbarwaaqo ee Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in AS ay isku dayeen weerar ay ku qaadaan fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen halkaasi. Balse, ciidamada geesiyaasha ah ee halkaas ku sugnaa ayaa si adag u difaacay fariisimahooda, iyagoo AS u dhigay cashar lama ilaawaan ah, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Weerarka AS ayaa lagu jabiyay, waxaana ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka hortageen isku daygii maleeshiyaadka, taasoo muujineysa in ciidamada amnigu ay ka feejigan yihiin dhaqdhaqaaqyada AS.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in dagaalku uu wali socdo, islamarkaana ciidamada ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaasi.

WARARKII KALE

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles