Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin sharci kasto oo ka soo baxa DFS

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in aysan Puntland aqbali doonin sharci kasto oo ka soo baxaya dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Wasaarada iyada oo ka duulaysa mawqifkii ay Dawladda Puntland hore u qaadatay ee ahaa sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn in aysan qayb ka ahayn Puntland, waxay cadaynaysaa in aysan aqoonsanayn, deegaanadeedana ka hirgelayn waxa loogu yeeray diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka.”

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudah Dawladda Puntland waxay uga digaysaa bulshada Reer Puntland in aysan ku kadsoomin, kana qaybgalin diiwaangelinta sharciga baalmarsan oo aan heshiiska lagu ahayn, sababahaan hoose awgood:-

  1. Xogta kaarkaani ma ahan mid sugan, amni ah oo ku kaydsan gacmo la isku hayn karo.
  2. Diiwaangelintaan waa mid siyaasadaysan loogana golleeyey doorashooyin macmal ah oo aan heshiis lagu ahayn dadkana lagaga siijeedinayo xaqiiqooyinka dhabta ah ee Dalka ka jira ee ay ka midyihiin amni xumada iyo kala qaybsanaanta Bulshada Soomaaliyeed.
  3. Waa mashruuc hanti urursi ah, oo culays ku ah dadka soomaaliyeed ee la tabaalaysan duruufaha amni iyo dhaqaale.

Dawladda Puntland waxay ahmiyadda siinaysaa horumarinta danaha gudaha Puntland, gaar ahaan xoojinta amniga, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, waxayna samayn doontaa kaarka aqoonsiga Puntland (Puntland State ID).

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles