Monday, September 1, 2025

Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin sharci kasto oo ka soo baxa DFS

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in aysan Puntland aqbali doonin sharci kasto oo ka soo baxaya dowladda Federaalka Soomaaliya.

โ€œWasaarada iyada oo ka duulaysa mawqifkii ay Dawladda Puntland hore u qaadatay ee ahaa sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn in aysan qayb ka ahayn Puntland, waxay cadaynaysaa in aysan aqoonsanayn, deegaanadeedana ka hirgelayn waxa loogu yeeray diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka.โ€

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudah Dawladda Puntland waxay uga digaysaa bulshada Reer Puntland in aysan ku kadsoomin, kana qaybgalin diiwaangelinta sharciga baalmarsan oo aan heshiiska lagu ahayn, sababahaan hoose awgood:-

  1. Xogta kaarkaani ma ahan mid sugan, amni ah oo ku kaydsan gacmo la isku hayn karo.
  2. Diiwaangelintaan waa mid siyaasadaysan loogana golleeyey doorashooyin macmal ah oo aan heshiis lagu ahayn dadkana lagaga siijeedinayo xaqiiqooyinka dhabta ah ee Dalka ka jira ee ay ka midyihiin amni xumada iyo kala qaybsanaanta Bulshada Soomaaliyeed.
  3. Waa mashruuc hanti urursi ah, oo culays ku ah dadka soomaaliyeed ee la tabaalaysan duruufaha amni iyo dhaqaale.

Dawladda Puntland waxay ahmiyadda siinaysaa horumarinta danaha gudaha Puntland, gaar ahaan xoojinta amniga, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, waxayna samayn doontaa kaarka aqoonsiga Puntland (Puntland State ID).

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles