Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga oo cambaareeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Dowladda Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lala eegtay kolonyada madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xili u uku sii jeeday jiidaha hore ee dagaalka.

Bayaan ay wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga soo dhigtay barta X ee hore loo oran jiray Twitter, ayay ku sheegtay in Sacuudigu cambaareynayo weerarkaas lagu beegsaday kolonyada madaxweyne Xassan Sheekh.

“Boqortooyadu waxay mar kale xaqiijinaysaataageerada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeedaba ee ka hor tagga wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda iyo xasilloonideeda, iyadoo ku celinaysa mowqifkeeda adag ee ay ku diidayso dhammaan noocyada rabshadaha, falalka argagixisada, iyo xagjirnimada.”, ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Dhanka kale Imaaraadka Carabta ayaa isna kamid ah dalalka cambaareeyay weerar ee shalay lagu bartilmaameedsaday kolonyada mid ka mid ah gaadiidka  madaxweyne Xassan Sheekh.

Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, oo ah wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, ayaa sheegay in dalkiisu si adag u cambaareynayo falal dembiyeedyada noocan ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Imaaraadku uu mar walba kasoo horjeedo nooc kasta oo rabshado ah iyo falalka argagixisada ee ujeedkoodu yahay in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida, taas oo jebineysa sharciga caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles