Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga oo cambaareeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Dowladda Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lala eegtay kolonyada madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xili u uku sii jeeday jiidaha hore ee dagaalka.

Bayaan ay wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga soo dhigtay barta X ee hore loo oran jiray Twitter, ayay ku sheegtay in Sacuudigu cambaareynayo weerarkaas lagu beegsaday kolonyada madaxweyne Xassan Sheekh.

“Boqortooyadu waxay mar kale xaqiijinaysaataageerada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeedaba ee ka hor tagga wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda iyo xasilloonideeda, iyadoo ku celinaysa mowqifkeeda adag ee ay ku diidayso dhammaan noocyada rabshadaha, falalka argagixisada, iyo xagjirnimada.”, ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Dhanka kale Imaaraadka Carabta ayaa isna kamid ah dalalka cambaareeyay weerar ee shalay lagu bartilmaameedsaday kolonyada mid ka mid ah gaadiidka  madaxweyne Xassan Sheekh.

Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, oo ah wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, ayaa sheegay in dalkiisu si adag u cambaareynayo falal dembiyeedyada noocan ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Imaaraadku uu mar walba kasoo horjeedo nooc kasta oo rabshado ah iyo falalka argagixisada ee ujeedkoodu yahay in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida, taas oo jebineysa sharciga caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles