Hoobiyeyaal lagu garaacay Xarunta Xalane ee Muqdisho

Weerar Madafiic Hoobiyeyaal ah ayaa duhurnimadii maanta lagu qaaday Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo saldhig u ah safaaradaha Beesha Caalamka, xarunta Q/Mdioobay iyo Ciidamada Midowga Afrika.

Qaraxyada ilaa seddex hoobiye ayaa la maqlay, kuwaasoo ku dhacay gudaha xerada Xalane iyo agagaarkeeda, gaar ahaan meel u dhow halka Shaqaalaha Qaramada Midoobey ay ka raacaan diyaaradaha.

Sawirro laga soo qaaday xaydaabka Garoonka Aaden Cadde ayaa muujinaya burbur xoogan oo gaaray dhismeyaasha yaryar ee ku dhow xerada Xalane oo madaafiicda ay ku dhacday.

Ilaa iyo hadda lama sheegin khasaare ka dhashay madaafiicda, Waxaana weerarka sheegatay Alshabaab.

Sidoo kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya.

Alshabaab ayaa si joogto ah weerarro noocan oo kale ah ugu qaaday Xalane iyo Garoonka Muqdisho, waxaana Weerarkii ugu danbeeyay uu dhacay 27-ka Bishii hore ee Febraayo xilli uu Garoonka Adden Cadde kasoo degayay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Hay’adaha Amniga iyo kuwa sirdoonka Soomaaliya ayaan weli ku guuleysan inay ka hortagaan weerarrada madaafiicda ee Alshabaab ku beegsato goobhii la filayay inay noqdaan kuwa ugu amniga badan ee Muqdisho sida Xalane iyo Garoonka Aden Cadde.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles