Hoobiyeyaal lagu garaacay Xarunta Xalane ee Muqdisho

Weerar Madafiic Hoobiyeyaal ah ayaa duhurnimadii maanta lagu qaaday Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo saldhig u ah safaaradaha Beesha Caalamka, xarunta Q/Mdioobay iyo Ciidamada Midowga Afrika.

Qaraxyada ilaa seddex hoobiye ayaa la maqlay, kuwaasoo ku dhacay gudaha xerada Xalane iyo agagaarkeeda, gaar ahaan meel u dhow halka Shaqaalaha Qaramada Midoobey ay ka raacaan diyaaradaha.

Sawirro laga soo qaaday xaydaabka Garoonka Aaden Cadde ayaa muujinaya burbur xoogan oo gaaray dhismeyaasha yaryar ee ku dhow xerada Xalane oo madaafiicda ay ku dhacday.

Ilaa iyo hadda lama sheegin khasaare ka dhashay madaafiicda, Waxaana weerarka sheegatay Alshabaab.

Sidoo kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya.

Alshabaab ayaa si joogto ah weerarro noocan oo kale ah ugu qaaday Xalane iyo Garoonka Muqdisho, waxaana Weerarkii ugu danbeeyay uu dhacay 27-ka Bishii hore ee Febraayo xilli uu Garoonka Adden Cadde kasoo degayay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Hay’adaha Amniga iyo kuwa sirdoonka Soomaaliya ayaan weli ku guuleysan inay ka hortagaan weerarrada madaafiicda ee Alshabaab ku beegsato goobhii la filayay inay noqdaan kuwa ugu amniga badan ee Muqdisho sida Xalane iyo Garoonka Aden Cadde.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles