Friday, November 7, 2025

Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin sharci kasto oo ka soo baxa DFS

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in aysan Puntland aqbali doonin sharci kasto oo ka soo baxaya dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Wasaarada iyada oo ka duulaysa mawqifkii ay Dawladda Puntland hore u qaadatay ee ahaa sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn in aysan qayb ka ahayn Puntland, waxay cadaynaysaa in aysan aqoonsanayn, deegaanadeedana ka hirgelayn waxa loogu yeeray diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka.”

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudah Dawladda Puntland waxay uga digaysaa bulshada Reer Puntland in aysan ku kadsoomin, kana qaybgalin diiwaangelinta sharciga baalmarsan oo aan heshiiska lagu ahayn, sababahaan hoose awgood:-

  1. Xogta kaarkaani ma ahan mid sugan, amni ah oo ku kaydsan gacmo la isku hayn karo.
  2. Diiwaangelintaan waa mid siyaasadaysan loogana golleeyey doorashooyin macmal ah oo aan heshiis lagu ahayn dadkana lagaga siijeedinayo xaqiiqooyinka dhabta ah ee Dalka ka jira ee ay ka midyihiin amni xumada iyo kala qaybsanaanta Bulshada Soomaaliyeed.
  3. Waa mashruuc hanti urursi ah, oo culays ku ah dadka soomaaliyeed ee la tabaalaysan duruufaha amni iyo dhaqaale.

Dawladda Puntland waxay ahmiyadda siinaysaa horumarinta danaha gudaha Puntland, gaar ahaan xoojinta amniga, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, waxayna samayn doontaa kaarka aqoonsiga Puntland (Puntland State ID).

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kooxda Degmada howlwadaaag oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka gobolka banaadir

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Howlgal lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada degmada Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47aad Guutada...

Kooxda TPLF oo weerar culus ku qaaday gobolka Canfarta

Koox ka tirsan ciidamada TPLF ayaa gudaha u galay...

Madaxweynaha Eriteriya: “Soomaaliya waa in ay ilaashato xeebaheeda”

Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles