Taliye Ciidan iyo Ilaaladiisa oo qarax lagula eegtay G/Sh/Hoose

Qarax miino ayaa lala eegtay  Abaanduulaha Ururka Awdheegle ee 14-ka October ee ciidamada xoogga  Maxamed Nuur Jareere., kaasi oo ku sii jeeday deegaanka Sabiib iyo Caanoole, isagoona gurmad u ahaa ciidamada dowladda eek u sugan deegaanada ay Al-shabaabka weerarka ku qaadeen.

Taliye Jareere ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay qaraxa loo dhigay, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac noqday askartii kale ee la socotay ee ka mid ahayd ilaaladiisa.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo taliska Xoogga dalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuumka, waxayna tilmaameen inuu ahaa geesi ka baxay ciidamada.

Weerarka deegaanka  Sabiib ay ku qaadeen Al-Shabaab ayaa waxa ay u adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyay qaraxyo oo ay ku weerareen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo ka digay abaabulka ciidan ee ka dhanka ah Sheekh Shariif

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan ka muujiyay falal...

 Tirada khasaaraha ka dhashay weerarkii Riyadh oo korortay

Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in muwaadin...

Dad ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles