Friday, January 30, 2026

MW Xasan Sheekh oo gaaray degmada Cadala iyo Abaabul dagaal oo ka socda G/Sh/Dhexe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale dib ugu laabtay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Madaxdweyne Xasan Sheekh ayaa safar uu Muqdisho kaga ambabaxay ku gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ujeedka uu madaxweynaha ka tagay degmada Cadala ayaa ah, siddi loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabelle.

Masuuliyiin kala duwan ayaa kusoo dhaweeyey degmada Cadale madaxweyne Xasan,Waxaana ka mid ah masuuliyiinta soo dhaweeyey Madaxweynaha maamul-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe,Saraakiil ka tirsan xoogga dalka iyo masuuliyiin horay ugu sugnaa degmada Cadale.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ay degmada Cadale waxaa uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa loo galbiyey guriga martida ee magaalo xeebeedka Cadale waxaana halkaasi kulan gaar ah ku qaatay labada madaxweyne oo u wehliyo Taliyaha Ciidanka Lugta.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray dardargelinta howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ee ka socdo Hirshabeelle.

“Madaxweyne, Hirshabeelle waa halka lagu soo xiri doono dagaalka Khawaarijta maanta gabogabo ayuu marayaa.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkiga oo diyaarado casri ah keenay Muqdisho iyo Qorsho kale

Wargeyska The Middle East Eye ayaa waxaa uu si...

Trump oo u gafay Soomaaliya iyo hanjabaad uu u diray Burcad badeeda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in...

Mooshinka laga diyaariyay guddoomiye Aadan Madoobe oo la gudbiyay, maxaa lagu haystaa?

Waxaa si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan...

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka wasiirada dalalka Carabta iyo Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles