Monday, May 11, 2026

Taliska Ciidanka Xoogga oo Sheegay in duqeyn lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegy in Ciidamada Cirka oo ku socda xuuraanka hay’adda sirdoonka NISA ay fuliyeen duqeyn ay la kaashadeen Saaxiibada caalamka, taasoo lagu qaaday horjoogayaal iyo maleeshiyo ka tirsan kooxda al-shabaab.

Howlgalka duqeynta ahaa ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Maalin Nugur Degmada Ceel-Buur ee Gobolk Galguduud.

Sida lagu sheegay war saxaafadeedka taliska xooga dalka Howlgalkan oo lagu bartilmaameedsaday xubno sar sare oo ka tirsan kooxaha AS, ayaa lagu dilay 9 horjooge oo magacyadooda la xusay waxayna kala yihiin.

1. Axmed Macalin – Horjoogihii Alshabaab ee degmada Ceel-Buur.
2. Abuu Salmaan – Horjoogihii deegaanka Ceel-Garas, Galgaduud.
3. Xuseen Cali Badal – Horjoogihii deegaanka Xindheere.
4. Budul Faarax Geedi – Horjoogihii deegaanka Xiindheere.
5. Sakariye – Horjooge ka tirsanaa argagixisada Galgaduud.

Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal xubno kale oo ka shaqeeynayay abaabulka bulshada degaanadaasi kuwaasi oo ay kamid yihiin.

1. Mire Cagdheer
2. Muuse Cumar
3. Axamed U Rur
4. Xaaji Bashiir

Duqeyntaan ayaa daba socota weerar ciidanka macawiileyda ay ku qaadeen tuulada Bay caadle ee gobolka galgaduud oo ay ku sugnaayeen xubno oa tirsan AS waxaanada halkaasi ka dhacay dagaal xoogan, sida ay warkooda ku sheegeen taliska ciidanka xooga dalka.

“Taliska CXDS wuxuu xaqiijinyaa in howlgalkan uu daba socdo weerarkii taariikhdu markii ay ahayd 13-kii Maarso 2025, markaas oo geesiyaasha Macawiisleyda degaanka ay si toos ah ula dagaalameen khawaarijti ku sugnaa tuulada Bay-Caadle.” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidanka xooga.

“Ujeedka horjoogayaashu ay ugu sugnaayeen Maalin Nugur ayaa la xiriiray isku day ay ku doonayeen in ay ku cadaadiyaan shacabka Soomaaliyeed si ay ugu biiraan maleeshiyaadka argagixisada, iyaga oo baadi-goob ugu jiray geesiyaashii Macawiisleyda ee wararka ku qaaday” Ayaa mar kale lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidanka xooga soomaaaliyeed.
Ma jiraan warar madax bannaan oo laga helay qasaraha gaaray Alshabaab., balse 48-kii saac ee ug danbeeyay waxaa xoogeystay duqeymaha lala beegsaday xarumaha Alshabaab ee Hirshabeelle iyo Galmudug.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

DFS iyo Beesha Caalamka oo ka wadahadlay arrimaha amniga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda  Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa...

DFS oo mucaaradka ku eedeysan inay abaabulayaan banaanbax rabshado wata

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diidaneen dibadbax...

Shacabka Koofur Galbeed oo saaka doorasho u dareeray

Deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa saaka looga...

Mucaaradka oo aqbalay in Bannaanbaxa lagu qabto Garoonka Injineer Yariisow

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn aqbalay in bannaanbaxooda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles