Thursday, March 12, 2026

Booliska Puntland oo war ka soo saaray dagaalka ka dhacay Garoowe

War ka soo baxay Talisk Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in maanta hawlgal qorsheysan ku qabteen gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee dowladda, kaasi oo siday sheegeen ay dhaceen ciidanka PSF.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta hawlgal qorsheysan ku qabtay gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dawladda, kaas oo ay si sharci-darro ah u dhaceen maleeshiyaad isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, kuwaa oo horay loo oran jiray PSF.”

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa intaasi lagu daray “Gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.”

“Ciidanka Booliska Puntland, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, ayaa si degdeg ah u jawaabay, iyagoo gacanta ku dhigay labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkan gurracan” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay in uu socdo Baaritaan rasmi ah, islamarkaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga” Booliska Puntland waxay bulshada u caddeynayaan in aysan jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyso amniga shacabka ama ay ku takri-fasho awoodda dowladda, si kastaba ha isku qarisatee, lala xisaabtami doono.”

“Marka baaritaanku dhammaado, Boolisku waxay dadweynaha u soo bandhigi doonaan faahfaahinta dhabta ah ee kiiskan, si ay caddaaladdu u noqoto mid muuqata. Dowladda Puntland waxay mar kale ku adkeynaysaa go’aankeeda ah in aan la aqbali doonin kooxo hubeysan oo isku daya in ay dhibaato ku hayaan nidaamka iyo kala dambeynta” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada xoogga oo la wareegay Xawaadley

Ciidamada xoogga ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Xawaadleey...

Xasan Sheekh oo Safar ku Tagaya Jabuuti Xilli Madaxweyne Geelle u Tartamayo Doorasho Kale

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu...

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay saldhigyada Daacish ee Buuraha Calimiskaad

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn...

Wafdi ka socda DFS oo New Yorka uga qeybgalay kulan muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Markab xammuul oo lagu weeraray Marinka Hormuz

Markab xammuul qaada oo ku dhow Marinka Hormuz ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles