Hay’adda NIRA oo beenisay in deegaano ka tirsan Puntland ay ku dartay Galmudug

Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dowladda Federaalka Soomaaliya ee (NIRA) oo maanta war ka soo saartay ayaa sheegtay in ay si cad u beeninayso eedaymaha la faafiyay ee la xiriira Xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug.

“Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Qaranka (NIRA) waxay si cad u beeninaysaa eedaymaha la faafiyay ee la xiriira Xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeyn uga timid Puntland.

Hay’adda NIRA waxay warsaxaafadeedka ku caddaysay in foomka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban ka tirsan yihiin Galmudug uu yahay mid been-abuur ah, islamarkaana waxay xaqiijisay in aanu jirin wax go’aan ah oo ay NIRA gaartay kaas oo degaanno ka tirsan Puntland lagu daray dhinaca Galmudug.

“NIRA waxay caddaynaysaa in foomka Baraha Bulshada lagu faafiyay uu yahay mid been-abuur ah; foomka rasmiga ah ee Hay’adda waxaa laga heli karaa websaydkeeda iyo xarumaheeda kala duwan.Hay’addu waxay sidoo kale u xaqiijinaysaa shacabka Soomaaliyeed in aanu jirin wax go’aan ah oo ay NIRA gaartay kaas oo deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland lagu hoos-geynayo Galmudug,” ayuu sii raaciyay Qoraalka NIRA.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug

Qoraal lagu baahiyey barta Faceboog ee Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles