Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Midowga Afrika, mudane Maxamuud Cali Yuusuf
Gudoomiyaha Midowga Africa mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo la doortay bilowgii February 2025 ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ku yimid Muqdisho.
Maxamuud Cali ayaa waxaa uu kulamo muhiim ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XfS Xamse Cabdi Barre kuwaasi oo kawada hadli doona arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka midowga Africa.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa deg deg ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka soo tagay furimaha dagaalka ee degmada Cadala ee gobolka Shabeelada Dhexe oo maalmihii ugu dambeeyay uu ku sugnaa.