Tuesday, January 13, 2026

Garsoore Mareykanka ah oo Madaxweyne Biden Ka Hor Istaagay Dhaqangelinta Xeer Cusub

Garsoore Maraykan ah ayaa maamulka madaxweyne Biden ka hor istaagay inuu dhaqan geliyo xeer cusub oo ka dhan ah takoorka ku salaysan aqoonsiga jinsiga ee daryeelka caafimaadka, xilli madaxweyne Biden uu caqabado wajahayo.

Xeerkan oo la soo gabagabeeyey bishii May ayaa wuxuu furay tabo cusub oo ay Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Mareykanka (HHS) ku shaqayn lahayd, ayadoo lagu waday inuu dhaqan galo Jimcaha soo socda.

Garsoore Louis Guirola oo ku sugan gobolka Mississippi, ayaa amarkiisa is hor istaagga ah ku sheegay inaan mamnuucidda aqoonsiga jinsiga ee daryeelka caafimaadka waxba soo kordhinayn, maamulka Biden-na uusan awooddin inuu dhaqan-geliyo.

mamnuucida federaaliga ah ee takoorka jinsiga, ayaa qayb ah sharciga daryeelka ee caymiska caafimaadka, garsooreyaasha ka soo horjeeda sharcigan cusub ayaana ku sheegay inuu dadka dakhligoodu yar yahay ku qasbi doono inay iska bixiyaan daawaynta iyo qalliimada jinsiga la xariira.

Gobolo badan oo xisbiga Jamhuuriga taageersan ayaa soo saaray sharciyo mamnuucaya arrintan, oo inta badan loo yaqaan daryeelka xaqiijinta jinsiga, ee loogu talagalay da’yarta, Sharcigu wuxuu quseeyaa dadka qaata lacagaha federaalka, oo ay ku jiraan barnaamijyada Medicaid.

WARARKII KALE

Magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigay waxsoo saarka iyo halabuurka ganacsiga haweenka

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay bandhig ganacsi kaas oo...

Dhalinyaro abuuratay fursado ganacsi oo shaqaaleysiiyay dhaliyaro kale

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay wajahaan shaqo la’aan baahsan, balse waxaa...

Xarun lagu kobciyo Xirfadaha haweenka oo laga furay Muqdisho

Goob lagu kobciyo xirfadaha haweenka Soomaaliyeed iyo barashada Buraan...

Somali Dog Caregiver Faces Fear and Rejection: What You Need to Know

While Aadan Abdullahi Ali devotes himself wholeheartedly to the...

Digital Abuse of Somali Women: Why This Growing Harm Matters

Sometimes people think it’s normal to write a mean...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles