Shirka Golaha Wasiirada XFS oo looga hadlay Dagaalka AS

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha AS ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha Qaranku deegaanno badan ka saareen AS.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixiso lagu sifeynayo, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargaliyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada.

Golaha, ayaa sidoo kale ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar, oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles