Thursday, June 11, 2026

Dagaal qaraar oo markale ka qarxay degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu uu markale saaka ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka xoogeysa uu ka socdaa duleedka degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Labada dhinac ayaa la soo werinayaa in hubka noocyadiisa kala duwan ay isku adeegsanayaan, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa waxaa uu daba socday dagaal maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa gudaha magaalada Luuq.

Horay ayay maleeshiyaadka ugu dagaalameen Luuq, waxayna isku haystaan arrimo la xiriira maamulka degmada iyo dilal aanooyin qabiil ah oo ay horay isugu gaysteen labada dhinac.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan oo ku baxay xiisaddan ayaa ku guuleysan waayay xalkeeda, waxaana mar kale dib u qarxay dagaalka labada beelood.

Odoyaasha dhaqanka degmada Luuq ee gobolka ayaa shalay ku baaqay in la joojiyo colaada ka soo cusboonaatay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Maleeshiyo beeleedkan dagaalamaya ayaa horey waxaa heshiis u kala dhex dhigay madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, inkastoo heshiiska uu fashilmay, maadaama dhinacyada ay maantii labaad ay maanta ku dagaalamayaan degmada Luuq.

Ma cadda Tilaabada ay qaadi doonaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo ku aadan siddii loo damin lahaa colaada ka soo cusboonaatay degmada Luuq.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10  06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Aadan Madoobe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray...

Sheekh Aadan Madoobe oo ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed

Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha...

Doorashada Hoggaanka KGS oo ka bilaabatay Baydhabo iyo Shariif Xasan oo maqan

Doorashada hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah uga...

Garsoore Cumar Cartan oo soo gaaray Muqdisho

Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa maanta dib ugu laabtay...

DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles