Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare,  Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo si gaar ah looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha baaxadda leh ee horyaalla Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa isla qiray in muhiim ay tahay in labada Aqal si wadajir ah uga shaqeeyaan shuruucda hortebinta u leh horumarka dowladnimada, iyadoo la xoojinayo doorka Baarlamaanka ee ku aaddan hoggaaminta hannaanka sharci dejinta dalka.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira mooshin laga wado Guddoomiyaha Golaha Shacabka, taasoo sii adkaynaysa muhiimadda wada-tashiga iyo mideynta mowqifyada Baarlamaanka.

Waxaa la filayaa in shirarku sii socdaan toddobaadyada soo socda, si loo xoojiyo wadashaqeynta iyo dardar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles