Shiinaha oo digniin u diray dalalka heshiisyada la galaya Mareykanka

Shiinaha ayaa ka digay inay ka falcelin doonaan dalalka heshiisyada dhaawacaya danaheeda la galaya Maraykanka, iyada oo dagaal ganacsi oo u dhaxeeya labada dal ee ugu tunka weyn dhaqaalaha uu gooddin ku yahay dalalka kale ee caalamka.

Falcelinta ayaa imaanaysa ka dib warbixinnada qorshayaasha Maraykanka ee uu ku cadaadinayo dowladaha inay adkeeyaan ganacsiga ay la leeyihiin Shiinaha si iyaguna u helaan in laga dhaafo canshuuraha Maraykanka.

Maamulka Trump ayaa bilaabay wadahadal dhanka canshuuraha oo bahwadaagta ganacsiga, iyada oo wafdi ka socds Japan ay toddobaadkii aynu soo dhaafnay booqdeen Washington, iyada oo Kuuriyada Koonfureed lagu wado inay wadahadalo bilowdo asbuucan.

Tan iyo ku soo laabashadiisii Aqalka Cad ee bishii Janaayo, waxaa uu Trump canshuuro xooggan saaray waxyaabaha Shiinaha u soo dhoofiyo dalkiisa, taasi oo si la mid ah dalal kale oo caalamka ay si xooggan u saameysay baddeecooyinkooda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidanka NISA oo kala dhex galay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee...

RW Xamsa oo kulan la qaatay gudduga Qaran ee Maareynta Khataraha masiibooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre,...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad maraiiyay heshiis muhiim u ah Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir...

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi oo weerar qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar...

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles