Friday, November 7, 2025

Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare,  Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo si gaar ah looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha baaxadda leh ee horyaalla Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa isla qiray in muhiim ay tahay in labada Aqal si wadajir ah uga shaqeeyaan shuruucda hortebinta u leh horumarka dowladnimada, iyadoo la xoojinayo doorka Baarlamaanka ee ku aaddan hoggaaminta hannaanka sharci dejinta dalka.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira mooshin laga wado Guddoomiyaha Golaha Shacabka, taasoo sii adkaynaysa muhiimadda wada-tashiga iyo mideynta mowqifyada Baarlamaanka.

Waxaa la filayaa in shirarku sii socdaan toddobaadyada soo socda, si loo xoojiyo wadashaqeynta iyo dardar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kooxda Degmada howlwadaaag oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka gobolka banaadir

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Howlgal lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada degmada Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47aad Guutada...

Kooxda TPLF oo weerar culus ku qaaday gobolka Canfarta

Koox ka tirsan ciidamada TPLF ayaa gudaha u galay...

Madaxweynaha Eriteriya: “Soomaaliya waa in ay ilaashato xeebaheeda”

Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles